Sterling oo markale la soo bandhigay sawiro uu shiishad dhuuqayo waxa markan ku weheliya Jordon Ibe

Ciyaaryahan Raheem Sterling ayaa dabka ku sii shiday dhaleecaymihii dul hoganayay ee ku saabsanaa qiijinta kadib markii sawiro hor leh oo la baahiyey muujiyeen isagoo dhuuqaya isla markaana gacanta ku haysta tuunbada dheer ee shiishada – laakiin markan waxaa ku wehelinaya ciyaaryahanka da’da yar ee ay Liverpool ka wada tirsan yihiin Jordon Ibe.Sterling iyo Jordon Ibe 1

Sawiradan cusub, oo la rumaysan yahay in lagu dhex qaaday baar caweys oo London ku yaala bilowgii xili ciyaareedkan, ayaa muujinaya labada ciyaaryahan oo mid kastaa haysto tuunbada shiishada.Sterling iyo Jordon Ibe -

Iyagoo ku lebisan dhar caadi ah, kuna dangiiga ama fadhiya kursi nooca balaadhan ee buushka ah ee fadhiga lagu raaxaysto ah, miiska hortooda yaalana ay ka kor muuqdaan, qasaacadaha Fantada iyo sameecadaha waaweyn ee Musica lagu dhagaysto , ayay gacmahana ku haystaan mid kasta tuunbadii uu nuugayay.Sterling iyo Jordon Ibe

Sterling, oo mugdi gelliyey mustaqbalkiisa Liverpool , kadib markii uu diiday inuu heshiis ka u cusboonaysiiyo kooxda , ayaanay markani ahayn , doorkii koobaad ee lagu sawiro isagoo qiijinaya Shiishad.

Laacibkan wacdaraha ka dhiga Premier League ee 20 sanno jirka ah, ayaa Axadii aynu soo dhaafnay la baahiyey sawiraddii kuwan ka horeeyey , isagoo shiishad cabaya , tuunbadana markaas afka kula jira oo si xoog ah u jiidaya.

Muuqaaladan horta leh , ayaaa sabbabay sida shabakada Daily Mail aanu ka soo xiganay, in Maamulka kooxdaasi su’aal ka keenaan arimahan dhaqan xumada ah ee isa soo taraya kuwaas oo xaalada jiq kaga dhigay tababare Rodgers.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Eric Cantona: Man Utd way ku guulaysan kartaa horyaalka 2016 ee Premier League

Spartak Moscow Oo Cunsuriyad Iyo Fawdo Darteed Ganaax £8,500 Ah La Saaray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com