Suarez: “Laba Jeer Ayaan Kubadda Ka Saaray Luiz”

Barca iyo suarez oo dubtay Luiz iyo PSG - 2Luis Suarez ayaa ka hadlay laba jeer oo uu kubbadda ka dhex saaray lugaha David Luiz kubbadda.

Suarez ayaa waxa uu sheegay in sababtii ku kelliftay in uu kubadda ka dhex saaro labada lugood ee Luiz dhexdoodu ay ahayd in aanu haysanin wax kale oo aan sidaas ahayn, waxaanay labadaas jeer ee kubadda uu ka saaray lugaha Luiz dhexdooda uu Suarez kubadda ku hubsaday shabaqa PSG.

“Markaad tahay weeraryahan waxaa lagaa rabaa goolal, laba dhaqaaq oo aan sameeyey ayaanan goolal u beddelay.” Sidaas ayuu yidhi Suarez oo u warramay wargeyska AS.

“Laba jeer ayaan ka saaray kubadda lugaha Luiz dhexdooda (tuunaydh) sababtoo ah wax kale maan samayn karaynin.” Ayuu raaciyey.

PSG iyo Barcelona ayaa lugta labaad waxay ku kulmi doonaan garoonka Camp Nou Salaasada soo socota, waxaanay ciyaartu bilaabmi doontaa iyadoo natiijadu tahay 3-1 ay hoggaanka ku hayso Barcelona, taas oo niyad jab ku ah ciyaartooyada lacagta badan la geliyey ee PSG.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Neymar Muxuu Ka Yidhi Guushii PSG Iyo Khilaafkii Tababare Luis Enrique

Muller: “Bas ayay Porto Nagu Hor Jartay”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com