5:36 pm - Thursday July 27, 2017

Suarez Oo Biladdii 4 aad Lagu Tollay -Ciyaaryahankii Xili Ciyaareedka-

Aidarous
Suarez Oo Labada Gacmood Ku Kala Haya Abaal Marinihii La Gudoonsiiyey
Suarez Oo Labada Gacmood Ku Kala Haya Abaal Marinihii La Gudoonsiiyey

Laacibka naadiga Liverpool ee Luis Suarez ayaa billadii 4 aad ee xili ciyaareedkan uu hantiyo lagu tollay kadib markii loo magacaabay xidigii ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkan dhamaaday ‘Barclays Player of the Season for 2013/14.’

Weeraryahankan habaarka ku qaba gool dhallinta, ayaa u dhalliyey naadiga Liverpool , 31 gool, caawiyena ka ahaa 12 kale, 33 ciyaarood oo uu saftay horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo ay Liverpool si dirqi ah kaga hor qaaday kooxda Manchester City horyaalnimada.

Suarez, oo xili ciyaareedkan uun la gudoon siiyey abaal marinaha  xidiga ugu fiican ee ay doortaan qorayaasha iyo kan ay xushaan ciyaaryahanadu  iyo kabta dahabka ah ee gool dhaliyaha ugu goolasha badan horyaalka ayaa biladan la gudoonsiiyey ee Xidigii ugu fiicnaa horyaalka Ingiriisku ay noqonaysaa tiisii Afraad ee uu hantiyo xili ciyaareedkan 2013/2014.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rio Ferdinand Oo Khudbad Qiiro Leh Ku Maca-salaameeyey Manchester United

Isco Oo Laga Reebay Xulka Spain Uga Qayb Gallaya Koobka Aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: