10:28 am - Sunday June 25, 2017

Suarez: Waxaan Si Adag Uga Tagay Liverpool Anigoo Tartan Iyo Noolal Cusub Ka Bilaabi Doono Spain

Aidarous
Shaqaalaha Barcelona Oo Ku Guda Jira Daabacada Funaanada Luis Suarez

Ciyaaryahan Luis Suarez ayaa fariin u diray Taageerayaasha Liverpool kadib markii lacag dhan £70 million uu ugu wareegay naadiga Barcelona.

Labada kooxood ayaa si rasmi ah Jimcahii ugu dhawaaqay inay heshiis gaadheen ayna dhiman tahay keliya in uu Barcelona caafimaadka u maro heshiis shan sanno ahna uu qalinka ku duugo.
Xidiga reer Uruguay ayaa fursad u helay in uu taageerayaasha Liverpool u sharaxo sababta uu ugu biiray kooxda reer Spain ee Barcelona.

Shaqaalaha Barcelona Oo Ku Guda Jira Daabacada Funaanada Suarez

Shaqaalaha Barcelona Oo Ku Guda Jira Daabacada Funaanada Suarez

“Waxaan si adag uga tagay Liverpool anigoo tartan iyo noolal cusub ka bilaabi doono Spain,” ayuu yidhi Suarez.
“Aniga iyo qoyskaygu aad baan u jeclaanay kooxda iyo magaaladaba,’.

“Waxaan rajeynayaa inaad fahamtaan sababta aan go’aankan uqaatay, kooxdu intii awoodeeda ahayd wey isku dayday inay i hor istaagto, balse waxaan mar walbo kuriyoon jiray nolosha iyo inaan kaciyaaro Spain halkaas oo ay ku nool yihiin qoyskaygu, waa hamiga iyo riyada nolosheyda, waxaana lajooga wakhtigii ugu fiicnaa,”.

Shaqaalaha Barcelona Oo Ku Guda Jira Daabacada Funaanada Luis Suarez

Shaqaalaha Barcelona Oo Ku Guda Jira Daabacada Funaanada Luis Suarez

“Waxaan Rodgers iyo kooxdaba urajeynayaa mustaqbal guulo wata, kooxdu waxey kujirtaa gacan aamin ah, waxaana hubaa inay guulo gaadhi doonto xilli ciyaareedka soo socda,”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mario Balotelli oo kala Kulmay dhaleeceyn sawirkii uu soo Geliyey Instagram isaga oo heysta Qori

Arteta: Alexis Waxa Uu Ka mid Yahay Ciyaartoyda Ugu Fiican Dunida

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: