Suarez:”Diiradda waxaanu saaraynayn ku guulaysiga Horyaalka”

Laacibka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool Luis Suarez, ayaa ugu baaqay saaxibadii inay joojiyaan farxadda, xoogana saaraan kulamada ka dhiman horyaalka, si ay u xaqiijiyey  riyadooda ah inay qaadaan horyaalka Premier League sannadkan kadib 24-sanno.

Luis waxa uu sheegay in taageerayaasha kooxdu aad u doonayaan in sannadkan ay koobka qaadaan, isagoo yidhi marka aan banaanka soo aado waxay igu yidhaahdaan taageerayaashu  waa inaad qaadaan horyaalka, isagoo sii raaciyay waan samay doonaa wax kasto oo noo suurto gelinaya inaan ku guuleysano horyaalka.

Gool dhaliyaha horyaalka oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi, Telefashinka, raadiyaha, iyo wargeysyadu intaba waxay hadal hayaan kooxdeena, waxaan aaminsanahay in taasi noo wanaagsan tahay anaga, in horyaalka la qaado waa shay gaara, laakiin ma fiicna inaan ku fekerno xiligan, maxaa yeelay weli wax meel noo saaran ma jiraan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sepp Blatter Oo Ku Baaqay In “Dhibcaha Laga Jaro” Kooxdii ama Taageerayaashii Ku Kaca Fal Takoorid ah

Xulka Carruurta Chelsea Oo Amakaag Ku Riday Xidigaha Waaweyn Ee The Blues.!!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com