1:35 pm - Wednesday June 28, 2017

Suxuf caan ah oo ka shifay Xiddigihii ka dambeeyay in Samir Nasri laga reebo Xulka Faransiiska

Khadar Dirir

 

Saxafiyiinta caanka ka ah dalka faransiiska ee kala ah Pierre Mennes iyo Daniel Riolo ayaa fashiliyay sababtii ka dambeysay go’aankii uu Didier Deschamps kaga reebay dhacdada Koobka Adduunka kubadd sameeyaha kooxda Manchester City Samir Nasri.

Saxafiyiintan ayaa Twitter-ka ku shaaciyay in xiddgaha kala ah Laurent Koscielny oo Arsenal difaaca ugu ciyaara iyo goolhayaha kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ay ahayeen shaqsiyaadkii ku qalqaaliyay macallinka xulka faransiiska Didier Deschamps inuu gebi ahaanba xulka ka saaro Samir Nasri.

Samir Nasri ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday kooxdiisa Man City ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska markii labaad muddo saddex sanno gudahood  “Laakiin nasiib daro wiilkan loogama yeedhin ciyaartooyda faransiiska sannadkan u meteli doona Koobka Adduunka, xitaa kuma jiro ciyaartooyda loo yaqaan Standby-ga ee loo yeedho markii uu dhaawac soo gaadho mid ka mid ah 23-ka ciyaartooy ee rasmi ahaan ugu qeyb galeya tartankan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Tababare Jose Mourinho Oo Iftiimiyey qofkii ka hor jeegsaday inuu layliyo Xulka England

Kooxda Man.United Oo qalqaalo ugu jirta Iibitaanka Fellaini

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: