12:08 pm - Tuesday May 30, 2017

Switzerland oo Dhulka La Dhacay Xulkii Horyaalnimada Haystay Ee Portugal

Aidarous
Switzerland's forward Breel Embolo (R) celebrates his team's first goal with teammate forward Haris Seferovic during the World Cup 2018 football qualifier between Switzerland and Portugal at the St. Jakob-Park stadium in Basel on September 6, 2016. / AFP / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

Xulka kubbada cagta wadanka Switzerland ayaa dhulka la dhacay qaranka haysta horyaalnimada qaramada Yurub ee Portaqiiska, kagana badiyey 2-0 ciyaartoodii furitaanka hormada B ee isreeb reebka koobka aduunka.

Breel Embolo iyo Ahmed Mehmedi ayaa laba gool qaybtii hore ee ciyaartaba ka dhaliyey xulka loo martida ahaa, kuwaas oo kaadhka casaanka ah lagaga saaray laacibka khadka dhexe Arsenal uga ciyaara ee Granit Xhaka wakhti daayacii ciyaarta lagu daray.

Xulka Portugal ayaa u dhutinayay maqnaanshaha halyeygooda Cristiano Ronaldo, kaas oo dhaawacnaa ilaa bishii July, ciyaartii finalka Euro 2016.

Xulkii ay kaga guuleysteen ciyaarta finalka Eurada ee France ayaa iyaga la qabtay ciyaartoodii furitaanka Groub A, waxaanay barbaro 0-0 ah isla dhaafi waayeen qaranka Belarus.

Dhinaca kale, isla hormadaas, xulka Sweden ayaa barbar dhac 1-1 ah ku hor istaagay xulka Netherlands oo goolkii Wesley Sneijder uu waxba kama jiraan ka dhigay kii Marcus Berg.

Bulgaria waxay ku tumatay Luxembourg oo ay kaga badisay 4-3, waxaana goolka guusha u saxeexay dhamaadkii ciyaarta laacibkii hore ee naadiga Aston Villa baasha uga ciyaari jiray Aleksandar Tonev.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Doqoniimada Xhaka Oo Si Weyn Loo Hadal Hayo

Ciyaaryahanka cusub ee Arsenal Perez “waa laacib xirfadyahan u ah Gunners”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com