Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool oo mudahraad kaga baaqday Bilowga Ciyaartii Emirates

Qaybo badan oo kamid ah taageerayaasha labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool ayaa baneeyey oo faaruqiyey kuraastii ay ka fadhiisan lahaayeen garoonka Emirates Stadium kana baaqday 10 kii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta labada naadi dhex maraysay, mudahraad ay kaga cabanayaan tigidhada horyaalka Barclays Premier League lagu daawado oo qaali ku noqday daraadeed.Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool 5
Taageerayaashan ayaa dibada garoonkan qaadkiisu yahay 60 ka kun ee qof, la taagnaa boodhadh ay ku qoran yihiin, weedho ay ku durayaan oo kaga cabanayaan qiimaha lagu daawado kulamada, kuwaas oo ay markii dambena la soo fadhiisteen tartabuunka oo toos loo arkayay.Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool 4
Guud ahaan horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa ku socda dhawaaqyo taageerayaasha iyo ururadoodu kaga dalbanayaan in laga dhimo qiimaha sareeya ee tigidhada lagu gallo garoomada kala duwan ee ciyaaruhu ka dhacayaan.Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool 3 Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool 2 Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool 1

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Juventus Oo Ku Sii Durugtay Guusha Horyaalkii 31 Aad

Funaaanada Bale U Xidhan Doono Chelsea Sanadka Dambe Oo Suuqa Soo Gashay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com