Taageerayaasha Everton oo Hees Iyo Orin Isugu Daray David Moyes + Caydii Qaawanayd Ee Uu Ku Yidhi Mid Kamid Ah Difaacyahanadiisa Iyo Khalkhalkii Man United Qabsaday

Tababare Moyes ayaa markii ugu horeysay dib ugu noqday Everton oo ay ugu dambeysay maalintii uu ka soo dhaqaaqay ee uu ku soo biiray United, laakiin Booqashadiisa ayuu kala kulmay dhacdooyin lama filaan ah.

Kooxdii uu watay Moyes ee United ayaa kala soo noqotay guuldaro 2-0 ah , goolashaas oo ay ka kala dhaliyeen ciyaaryahanada Everton ee Leighton Baines iyo Kevin Mirallas.

Moyes ooDavid Moyes oo xejisan waayay guuldarada la soo daristay naadigiisa ayaa cadhadii kula dul dhacay difaaca naadiga Manchester United ee Phil Jones oo uu si qaawan ugu isticmaalay weedho cay ah isagoo isticmaalay kalmada “Stupid”, kadib markii laacibkaasi kubad gacan kaga dhacday oo rigoodhe la dhigay laga dhaliyey.

Taageerayaasha naadiga Everton ayaa foodhi iyo hees isugu daray tababare Moyes oo 11 sanno tababare u soo ahaa Everton , taageerayaasha ayaa ku leeqeeyey hees erayadeeda ay kamid yihiin ”You’re getting sacked in the morning’ oo macneheedu yahay ‘ Subaxaa shaqada lagaa eryayaa’ iyagoo ula jeeda tababarohooda hore.