Taageerayaasha Liverpool Oo Hees Cusub Ku Luuqeeyey Kadib Markii Kooxdoodu 4-0 Ku Derdertay Tottenham

Liverpool 4-0 tottenhamKooxda Liverpool ayaa dib ugu noqotay hogaaminta horyaalka Barclays Premier League oo ay ka maqnayd mudo ka badan saddex bilood kadib markii ay sida daadka ugu fatahday dhigeeda Tottenham oo ay maanta kaga adkaatay  4-0 .

Iyadoo afarta kooxood ee ugu sareeya horyaalka Ingiriiska wakhtigan uu dhex marayo dagaal adag oo dhinaca mansabka sarre ahi, tan iyo 25 Decemberna isbedel badani ku dhacay oo marba kooxi hogaanka qabanaysay, ayaa hadana awooda kooxda dharka casi uu yahay mid la iska qirsan yahay oo si weyn uga dhex muuqda kooxaha ay tartanka kula jirto.

Liverpool oo riyaaqsanXaqiiqdiina , ilaa bishii December 29 oo ay Chelsea ka badisay Liverpool , wixii intaas ka dambeeyey waxay ahayd mid aan dhinaceeda dhulka la dhigin, waxaanay urursadeen 35 dhibcood oo kamid ah 39 dhibcood oo laga doonayay, aakhirkiina maanta ayay u suurto gashay inay hogaanka ku soo noqdaan iyadoo lix ciyaarood ka dhiman yihiin dhamaadka xili ciyaareedkani.

Kooxda Liverpoolna dagaalka ay ugu jiraan ku guulaysiga horyaalkan ay ugu dambeysay 24 sanno ka hor , ayaad moodaa inay marayso sanadkii ugu dhawaa ee ay awood ahaan buuxin karaysay inay ka dhabayso rajadaas 24 sanno ka maqnayd.

Liverpool oo dabaal degaysaRiyaaqaas iyo rajadaas badan ee ay qabaan , ayaa taageerayaasha aan daalin, niyad-jabkuna ku yaryahay ee reer Anfeild ka keenay inay ku luuqeeaan , hees cusub oo aan ahayn midii ay awal caanka ku ahaayeen.

Taageerayaasha Liver oo Heestii Cusbayd ku luuqaynayaTaageerayaasha Liverpool ayaa caawa qaadayay hees ay halku dheg uga dhigeen | We Are Going To Win The League | oo macneheedu yahay ” Waxaan u soconaa ku guulaysiga Horyaalka”.

tottenham oo niyad jabsanLiverpool oo ciyaartay 32 kulan ayaa leh 71 dhibcood ,  Chelsea oo iyana tiro lamid ah ciyaartay ayaa ka hooseysa 2 dhibcood oo leh 69 dhibcood, waxaase iyadu 2 ciyaaroodna u dhiman yihiin 67 dhibcoodna leh naadiga Manchester city oo ah kooxda kaliya ee marka ay dhamaysato kulamadeeda dhiman , haddii ay guul ka gaadho la wadaagi doonta hogaanka.

Xidigihii Hore ee Liverpool oo kaftan qosol ah wadaagaya