Taageerayaasha Xulka Japan Oo Sameeyey Dhacdo Ugub Ah Oo Dunida Soo Jiidatay

Dhacdo yaab iyo amakaag ku noqotay dunida , isla markaana shacabka caalamku si weyn u soo dhaweeyeen ayaa waxa ku dhaqaaqay taageerayaasha xulka qaranka Japan , ciyaartii barbaraha ku dhamaatay ee qarankooda 2-1 ka lagaga adkaaday ee ay kaga badiyeen Ivory Coast.

Ciyaartaasi markii ay dhamaatay taageerayaasha Japan ayaa bilaabay inay ka guraan oo nadiifiyaan qashinka qaybtii ay ka fadhiyeen garoonka habeenkaasi.

taageerayaasa japan 1Ciyaartaas hore looma fiirsanin , mana jirin dad badan oo ka war hayay ficilka ay ku kaceen taageerayaasha xulka Japan , laakiin ciyaartii habeen hore ee ay 0-0 lagaleen xulka Greece Shacabka reer Japan ee taageerada la barbar jooga xulkooda ka qayb gallaya koobka aduunku , waxay markale ku dhaqaaqeen isla talaabadii , waxaanay nadiifin ku bilaabeen goobihii ay ka fadhiyeen garoonka, taas oo ay ku mutaysteen amaan dunida dacaladeeda kaga timid oo lagu amaanayo jacaylka Nadaafada ee ay muujiyeen.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Costa Rica Oo Guuldaro Naxdin Leh Baday Italy Iyo England Oo Sidaas Kaga Hadhay K-Aduunka

Yaya iyo Kolo Toure Oo Walaalkood Ka Yaraa Ku Geeriyooday Ingiriiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com