Taageereyaasha Bayern Munich Oo Weeraray Ciyaartooyada Dortmund

Khasaare ayaa gaadhay baska kooxda Borussia Dormund maalintii Sabtidii markii ay taageereyaasha Kooxda Bayern Munich weerareen wakhti ay ciyaartooyadu ku socdeen garoonka oo ay ku wada ciyaarayeen Dormund iyo Bayern Munich.

Ciyaartan oo marti loo ahaa Bayern, ayaa waxa uu falku dhacay markii ay ciyaartooyada Borussia Dormund ka soo baxeen Hotel-ka ay degenaanyeen, waxaana ku soo ururay taageereyaal ku hubaysan budhadh iyo dhagaxaan, kuwaas oo jejebiyey daaqaha baska.

Sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxda Borussia Dormund oo lagu magacaabo Sascha Fligge, waxa la jejebiyey daaqaha baska, laakiin nasiib wanaagga ayuu ku tilmaamay in ciyaartooyadu aanay wakhtigaas baska saarnayn balse ay isku diyaarinayeen in ay hudheelka soo baxaan oo ay baska u raacaan xagga garoonka markaas oo ay arkeen baskoodii oo la burburinayo.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in baska wakhtigaas uu sarnaa dirawalka iyo shaqaalaha caawiya oo kaliya.

Booliska Germany ayaa sidoo kale xaqiijiyey dhacdadan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

UK: Ciyaartoy Caan ah Oo Xanuunka HIV/AIDS uga baxay ciyaaraha

Serena Williams Oo Markii 8aad Ku Guuleystay tartanka Miami Open

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com