Taageereyaasha Madrid Oo Farta Ku Goday Cristiano Ronaldo, Khedira iyo Casillas

Ra’yi ururin laga qaaday taageereyaasha Real Madrid oo wax lagaga weydiiyey cidda leh masuuliyadda guul darrada ciyaartii Atletico Madrid ay ku bahdishay Real ee garoonka Calderon, ayaa waxa ay ku sheegeen in raga ugu liitay ee masuuliyadda guul darradana xambaaranaya ay yihiin Ronaldo, Khedira iyo Casillas., halka Iker Casillas uu ka noqday 2.4. Sami Khedira ayaa helay 1.9, halka uu Ronaldo ugu liitay ee uu

Ciyaartoygii ugu fiicnaa Real Madrid Sabtidii waxa uu ahaa Toni Kroos oo celcelis ahaan urursaday marka qaab ciyaareedkiisa la isku ururiyo, iyadoo tiro ahaan loo beddelayo (Rating) 3.5, halka Iker Casillas uu ka noqday 2.4. Sami Khedira ayaa helay 1.9, halka uu Ronaldo ugu liitay ee uu ka helay 1.7.

Ancelotti ayaa isaga laftiisu liitay kulankaas khaasatan go’aamadii uu qaatay intii ay ciyaartu socotay.

Atletico Madrid oo ciyaartaas maamulaysay ayay ciyaartooyadeedu celcelis ahaan, wAntoine Griezmann ayaa helay 9.5 waxaanu ahaa xiddiga garoonka, Mario Mandzukic (9.2), Arda Turan iyo Saúl (both 9.1) iyo Tiago (9).

Ma aha layaab in taageereyaashu guul darrada u xambaariyeen Ronaldo, Khedira iyo Casillas maadaama ay ahaayeen kuwo garoonka iska dhex jooga oo wax qabadkoodu liitay. Ronaldo ayaa u muuqday nin aan kusoo talogelin in uu kubadda ciyaaro, balse in uu ka dhex muuqdo oo kaliya u joogay garoonka dhexdiisa. Casillas ayaa isaguna khalad weyn oo uu sameeyey waxa uu sabab u noqday goolka koowaad, iyo isagoo ku dagaalami kari waayey kubadaha goolkiisa hor imanaya oo kari waayey in uu qabsado. Khedira ayaa isna ahaa nin aan awood badan lahayn.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taagereyaal Badan Oo Toogasho Lagu Dilay Dalka Masar

Koobkii Champion-ka ee Real Madrid Ku Guuleysatay Oo La Xaday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com