11:26 am - Friday June 23, 2017

Taageereyaasha Man United Oo Lacag Ku bixiyey Farriin Hawada Loo Diray Oo Ay Ku Dalbadeen In La Eryo Moyes

Aidarous

Taageereyaasha Kooxda kubadda cagta Manchester United, ayaa lacag badan ku bixiyey farriin la daabacay oo loo diray hawada garoonka Old Trafford, taas oo ay ku qoreen ereyo ay ku muujinayaan in kooxdu ay khalad samaysay markii ay tababare Moyes u magacowday inuu laylyo kooxdaas.

old trafTaageereyaashu waxay farriintoodan oo ah boodhadh waaweyn oo qaarna lagu dhejiyey garoonka gudihiisa qaarna dibeddiisa ay ku dalbadeen in shaqada laga eryo tababare Moyes.

moyesTaageereyaasha ayaa toddobaadkan iska soo ururiyey lacag gaadhaysa 840 pound, waxaanay ku soo daabaceen boodhadh, waxaanay sida shalay lagu baahiyey websiteka taageereyaasha kooxdaas, koox ka mid ah Jamaahiirta Manchester United oo loo yaqaano The Republik of Mancunia fans ayaa ururiyey

lacag ay ku kiraysteen dayuurad yar oo  xagga dambe ku sidda boodh ay ku qoran tahay: “Wrong One – Moyes Out’ , waxaana ay dayuuradaas dulmari doontaa Old Trafford kulanka Premier League ee ay toddobaadkan la ciyaari doonaan kooxda Aston Villa, kulankaas oo ka dhici doona gegida Old Trafford.

Waxa jira taageereyaal kale oo ka soo horjeeda kuwa diyaaradda kiraystay ee la magac baxay The Republik of Mancunia fans, kuwaas oo loo yaqaanno Stretford End Flags Group, kuwaas oo ka soo horjeeda in la eryo tababare Moyes, isla markaana garoonka ku dhejistay boodh ay ku muujinayaan inay taabacsan yihiin, kaas oo ay ku qoran tahay “The Chosen one” oo macnaheedu yahay in tababare Moyes uu yahay ninkii ay doorteen.

Barta ay internetka ku leeyihiin kooxda xagjirka ah ee ka soo horjeedda Moyes ee The Republik of Mancunia fans, ayaa lagu qoray “Fariintan aanu samaynayno waxa ay jawaab u tahay boodhka ku xardhan qaybta Stretford End Flags ee Old Trafford ee  ay ku qoran tahay “The Chosen One”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mourinho Oo Ka Damqaday Guul-Darrooyinka Ku Hubsaday Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid

Carlo Ancelotti Oo Ku Adkaystay In Uu Wali Furan Yahay Tartanka Horyaalka Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: