Taageereyaasha Manchester Oo Ciyaartii Xalay aan mar kaliya afka ka dhigin magaca Ronaldo

Manchester UnitedTaageereyaasha kooxda Manchester United ayaa intii ay socotay ciyaartii ay Manchester United xalay ku derdertay Preston waxa ay ku qaylinayeen magaca Cristiano Ronaldo, kaas oo ay ka dalbanayeen maamulkooda in dib loogu soo celiyo.

Sida uu saaka qoray wargeyska Daily ee ka soo baxa England, waxa ay taageereyaashu qayladooda ku dalbanayeen in loo soo celiyo xiddigooda.

Wargeyska ayaa waxa uu warkiisa u dhigay sidan: “Manchester United waxa ay garoonkeeda ka heshay qaylo lagaga dalbanayo in ay u keenaan Cristiano Ronaldo oo ay ku soo celiyaan Old Trafford.”

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez uu doonayo in uu ogolaado in weeraryahanka reer Portugal uu ka xaraasho Manchester United ka hor inta aanay kubaddiisu hoos u dhicin.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Messi Oo Samaynaya Mucjisooyinkii Forlán iyo Güiza

PSG oo diiday in ay ka hadho doonisteeda Hazard iyo Man United & Chelsea Oo Isku Haysta Varane

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com