Taagereyaal Badan Oo Toogasho Lagu Dilay Dalka Masar

Ugu yaraan 22 qof oo taageereyaasha kooxda Zamalek ah ayaa toogasho lagu dilay dalka Masar kadib markii ay isku dhaceen booliska Axaddii todobaadkan ka hor ciyaar ka dhacaysay garoonka kooxda Zamalek.

Taageereyaasha kooxda Zamalek ayaa booliska kala hor tegay rabshado ka hor intii aanay bilaabmin ciyaar dhex maraysay Zamalek iyo ENPPI oo ka dhacaysay magaalada Qaahira gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee Ciidamada Cirka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa ku andacooday in taageereyaashu ay isku dayeen in ay garoonka gudihiisa galaan isla markaana ay rabshad ka sameeyaan, laakiin waxa arrintaas beeniyey taageereyaasha xagjirka ah ee kooxda Zamalek.

EGYPT“Taageereyaasha Zamalek waxay isku dayeen in ay xoog isticmaalaan, waxaana markaas khasab ah in laga difaaco in ay burburiyaan hantida umadda.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ay dawladdu ka soo saartay dhacdadan naxdinta badan.

Taageereyaasha Zamalek ee lagu magacaabo Ultras White Knights ayaa jawaab ay ka bixiyeen hadalka dawladda, waxa ay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin balse ay isku dayayeen in ay garoonka galaan, laakiin albaabka laga gelayo la yareeyey, taasina ay mushkiladdu ka dhalatay.

“Deyr yar oo ka samaysan biro dhuudhuban, ayaa la noo furay” ayay yidhaahdeen taageereyaashu.

Dhacdadani waa tii ugu dambaysay ee qalalaase dhimasho sababa oo ka dhacda horyaalka dalka Masar, iyadoo bishii February ee sannadkii 2012 ay ku dhinteen tabshado sidan oo kale ah in ka badan 70 qof oo taageereryaasha kooxda Al-Ahly ahaa kadib markii ay isku dhaceen taageereyaasha kooxda Al-Masry ciyaar ka dhacaysay magaalada Port Said.

Intaa wixii ka dambeeyey waxa xayiraad la saaray taageereyaasha oo laga mamnuucay in ay ciyaaraha daawadaan, laakiinse ciyaarta Axaddii dhex martay Zamalek iyo ENPPI waxa loo ogolaaday 10,000 taageereyaal kooxda Zamalek ah in ay daawadaan ciyaarta.

Shir ay yeesheen golaha wasiirada ee Masar Oo ay kaga arrinsanayeen dhacdan ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in la joojiyo gebi ahaanba kubadda cagta wadanka Masar in muddo ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Hargeysa: Dooggii la dhigayay Garoonka Hargeisa Stadium Oo Dalka Yimid

Taageereyaasha Madrid Oo Farta Ku Goday Cristiano Ronaldo, Khedira iyo Casillas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com