Wenger ayaa uu dhamaanayaa heshiiska uu kula jiro Arsenal marka uu dhamaado xili ciyaareedkani, waxaana soo baxaya warar sheegaya in kooxdu diyaarisay tababarihii beddeli lahaa.

Macallinka kooxda Southamtpon ee Claude Puel ayaa aaminsan in Eddie Howe uu yahay beddelka ugu fiican ee shaqada kala wareegi karaya Arsene Wenger.

Howe oo ah macallinka kooxda kubadda cagta Bournemouth ayaa la saadaalinayaa in uu noqonayo ninka booska kala wareegaya Wenger oo muddo 20 sannadood ah tababare u ahaa Arsenal, waxaana tababare Puel oo ciiyaartoy ka ahaa Monaco markii uu Wenger macallinka ka ahaa siddeetameeyadii, ayaa waxa uu ku adkaystay in Eddie Howe uu leeyahay aragtida ciyaareed iyo farsamo ee tababare Wenger, ayna tahay in isaga lagu beddelo.

“Eddie waxa uu leeyahay aragtida ciyaareed ee Wenger oo kale, waxaanu jecel yahay ciyaaryahannada farsamada wanaagsan sida Arsene. Haddii uu maalin uun tababare u noqdo Arsenal, waxa uu noqonayaa shakhtiga ugu habboon.” Sidaas waxa yidhi Claude Puel oo ah tababaraha Southampton.

Puel isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey: “Marka ay kooxdu leedahay qaab-ciyaareed, waxa muhiim ah inay xejistaan ciyaartooyada leh qaab-ciyaareedkeeda. Waxa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo tayada iyo yuhuunta. Waxa kale oo muhiim ah in lasii wado shaqada wanaagsan.”

Puel ayaa ka hor tegaya Axadda kooxda Howe ee Bournemouth, waxaana tababarahan hore ee Monaco, Lille, Lyon iyo Nice uu usoo jeediyey Arsenal inay ku dedaasho helidda Howe.