Tababaraha Monaco: Wenger iyo Arsenal namay ixtiraamin

Wenger

Tababaraha Monaco, Leonardo Jardim ayaa dhalleeceeyey qab-dhaqanka Arsenal iyo tababaraheeda Arsene Wenger.

Tababare Wenger ayaa diiday in uu gacan qaado markii ay dhamaatay ciyaartii xalay dhex martay Monaco iyo Arsenal, kaas oo natiijadii ciyaartii hore marka la isku celceliyo ay Arsenal sidaas ku hadhay.

Jardin oo u dhashay wadanka Portugal, isla markaana lagu naanayso Mourinho cusub, ayaa waxa uu ka hadlay salaantii uu diiday Wenger, waxaanu yidhi: “Waxa aan doonayey in aan gacan qaado Wenger (Is-araggii hore) laakiin imuu sugin inkasta oo ay Monaco wax kasta u samaysay Arsenal. Waxaan go’aansaday in aanan u mahadnaqin.” Sidaas ayuu Jardin U sheegay wariyeyaal.

“Arsenal noomay muujinin ixtiraamkii aanu ka mudnayd” ayuu raaciyey tababare Jardin. Guul darradan Arsenal ayaa waxa ay calaamadisay sannadkii 5aad oo xidhiidh ah ee ay Arsenal ku hadhay 16-ka.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pep Guardiola Oo Daawan doona kulanka Caawa ee Barcelona vs Man City

Yaya Toure: Waxa La Gaadhay Wakhtigii Aanu Isku Muujin Lahayn Yurub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com