Tababaraha Xulka Qaranka Faransiiska Oo Antonio Griezmann Kula Taliyey In Aanu Ku Biirin Barcelona

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu sheegay in macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps uu kala taliyay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Antoine Griezmann inuu iska sii joogo kooxdiisa Atletico Madrid, si uusan ugu biirin Barcelona suuqa xagaaga.

Antoine Griezmann ayaa si xoogan lala xidhiidhinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu ku biirayo kooxda reer Catalonia ee Barcelona, si ay kaga dhigtaan badalka Neymar Jr oo tan iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ay ku dhiban yihiin sida ay ku heli lahaayeen badalkiisa, sababa la xidhiidha in Ousmane Dembélé uu ku fashilmay inuu noqdo.

Griezmann ayaa xaqiijiyay inuu go’aamin doono mustaqbalkiisa kahor inta aanan la gaarin koobka aduunka 2018, kaasoo ka bilaabmi doono 14-ka bisha soo aadan dalka Russia, si uu diirada u saaro kulamada uu u ciyaari doono xulkiisa qaranka France.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa sheegay in Antoine Griezmann uu kala sheekeystay tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps, sida uu ka yeeli lahaa mustaqbalkiisa, wuxuuna kulankan ka dhacay xerada tababarka ee xulka france uu ugu diyaar garoobayo koobka aduunka.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Didier Deschamps uu kala taliyay Antoine Griezmann inuu sii joogi kooxdiisa Atletico Madrid, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inay wanaagsan tahay in kooxdiisa ka noqdo geesi, halka uu Barcelona ka noqon lahaa siyaado ah.