Tababaraha Xulka Qaranka Jaramalka Ee Joachim Low Oo Canaan Kulul Dusha Uga Tuuray Mesut Ozil

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low  ayaa soo bandhigay sida aanu ugu faraxsanayn shaqada uu qabto xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil.

Tababaraha ayaa saluugay qaabka uu tababarka u sameeyo Ozil, kaas oo ay ka muuqato inaanu diyaar u ahayn, diciifnimo iyo in waxa loo diro aanu kasoo baxayn.

Ozil oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaa dhaawac ku seegay kulamadii u dambeeyey ee Arsenal ee horyaalka waddanka Ingiriiska kaddib dhaawac dhabarka oo soo gaadhay, hase yeeshee tababare Joachim Low  ayaa ku daray liiska xulka qarankiisa uga qayb-geli doona Koobka Adduunka isaga oo rajaynaya in caafimaadkiisu uu taam noqdo ka hor 14 June oo uu tartanku bilaabmayo, isla markaana uu kaalintiisii wanaagsanayd ka qaadan doono dedaalka uu Jarmalku ugu jiro inuu difaacdo Koobka Adduunka.

Sida ay qortay warbaahinta Faz.Net, Ozil ayaan si firfircoon u qaadanin tababarradii u dambeeyey, waxaana marar badan uu iska fadhiistay garoonka dhexdiisa iyadoo ciyaartoyga kale tababar samaynayaan, waxaanay taasi keentay in tababaruhu uu canaan kulul u jeediyo.

Xulka qaranka Jarmalka ayaa Sabtida ciyaar saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayaan Koobka Adduunka kaga hor iman doona Austria ka hor inta aanay Sucuudi Carabia kusoo dhoweynin Leverskusen toddobaadka xiga.