2:53 pm - Saturday July 29, 2017

Tababarayaashu xaq ma u leeyihiin inay ciyaartoyda meel fagaare ah ku dhaliilaan?

Aidarous

Tababarayaashu xaq ma u leeyihiin inay ciyaartoyda meel fagaare ah ku dhaliilaan.? Mise qolka lebiska ayey tahay in lagu canaanto?

Dhammaadkii todobaadkii ina dhaafay, tabobaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa warbaahinta horteeda si gaar ah ugu weeraray difaaca kooxda, Luke Shaw.

maxresdefault-1

Arrintaasi waxay timid kaddib kullankii Manchester United lagaga badiyay 3-1 ee ay la yeesheen kooxda Watford.

Dhalleeceynta uu Mourinho u jeediyay Shaw waxay fajac iyo amakaag ku noqotay saaxiibadiisa kale, waxayna dhalisay dood adag.

Waa Yaabe ! Muxuu Ahaa Hadalka Dhaliisha Ah Ee Mourinho Yidhi?

proxy-7

Mourinho wuxuu badaley ciyaaryahan Shaw, laba daqiiqo iyo badh kadib markii goolka labaad laga dhaliyay. Goolkaasi waxaa sabab u ahaa khalad dhanka difaaca ah.

Balse waxaa loo aaneynayaa dhaawac muddo dheer qaatay oo ciyaaryahankan uu qabo.

 

Jose Mourinho wuxuu ku doodayaa in goolkaasi uu la mid yahay mid ay Manchester City ka dhalisay Manchester United, ciyaartii 10-kii September ee Derbiga Manchester.

“Arrintan waa xeeladeysi waana dhaqan iyo aragti. Waa arrin aan wanaagsaneyn oo na soo martay laba todobaad.” Ayuu yidhi Jose Mourinho.

Kooxda Manchester United ayaa la dhaliilayaa kaddib markii xirfadaha ciyaaraha ee ay soo bandhigeen ay noqdeen kuwo aad u liita.

Lakiin waxaa la eegayaa sida ay wax uga badalaan qaab ciyaareedkooda. Mourinho waxa uu sheegayaa in ciyaartoydu aanay sidii la rabay u ciyaarin.

Sabtida soo socota ee 24-ka bishan Manchester United waxay gurigeeda Old Trafford ku marti qaadeysaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Leicester City, waxaa si gaar ah isha loogu haayaa sida ay noqon karta qaab ciyaareedka United.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Coutinho Iyo Origi Oo Adaxda Ka Jebiyey Derby Count Iyo Liverpool Oo U Gudubtay Wareegga 16-ka League Cup

Chelsea Oo Cad Iyo Fuud Ka Dhigtay Leicester, Kana Reebtay Tartanka League Cup

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: