10:29 am - Sunday June 25, 2017

Tababare Alex Ferguson Oo ka xun qaabka Man.United ula dhaqmeen Moyes

Khadar Dirir

Waxa uu bilaabay tababarihii hore ee Manchester United “Sir Alex Ferguson” inuu ka hadlo qaabka Man United ula dhaqmeen David Moyes, isagoo sheegay inuu ka xunyahay qaabka xilka looga qaaday kadib 10-bilood, waxaa warka Sir laga dareemaya in aanu  qeyb ka ahayn  xil ka qaadista lagu sameeyay Moyes.

Ferguson waa ka cadhooday qaabka foosha xun ee loo eryey  David Moyes, maadaama isagu keenay  kooxda shaqada xagaagi hore, kadib markii uu go’aansaday inuu tababarka ka fadhiisto.

Naadiga tababarayaasha Ingiriiska, ayaa sidoo kale ku eedeeyay Manchester in qaab aan wanaagsneyn ula dhaqmeen Moyes ka hor inta aanay  xilka ka qaadin, waxaana lagu dhawaaqay xil ka qaadista Moyes subaxnimadii Salaasadda.

Kooxda Man United oo hadda booska 7-aad uga jirta horyaalka Ingiriiska, waxaa si ku meel gaadha loogu dhiibay Ryan Giggs.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Ciyaaryahan John Terry oo diyaar u ah kulanka lugta labaad ee semi-final-ka Champions league 

Giggs Oo Isu Diyaarinaya Kulankiisii Ugu Horreeyey Ee Uu Tababare U Yahay Man United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: