Tababare Brendan Rodgers oo ku kalsoon in Everton ay ku caawin doonto ku guuleysiga Horyaalka 

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa ku kalsoon in Everton ay sameyn doonto wax kasta oo ay ku garaaci karto kooxda Reds ay ku tartamayaan horyaalka ee Manchester City Sabtida.

Guul ama barbaro ay Toffees ka soo xarayso City ayaa ku saacidi karta Reds in ay si dhameystiran u sii hogaamiso horyaalka Premier League islamarkaana ay fursad nadiif ah u hesho in ay ku guuleysato.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Everton ayaa ka walwalsan in dariskooda ay ku caawiyaan in ay ku dhameystaan meesha ugu sareysa horyaalka, laakiin Rodgers ayaa ku adkeysanaya in aanu  ka walwalsaneyn sharafta Roberto Martinez iyo ciyaartoydiisa islamarkaana ay ku dadaali doonaan in ay wax yeelayaan City. Manchester City oo hada gacanta ku heysata sadax kulan oo horyaalka ah ayaa booqan doonta Everton waxana guul daro ka soo gaadha Toffees ay ka dhigan tahay in ay ka quusato ku guuleysiga Premier League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Pogba: Manchester United Imay Ixtiraami Jirin

Kooxda Arsenal Oo shaacisay  kooxaha kala qeyb galaya Emirates Cup 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com