Tababare Brendan Rodgers Oo La Sheegay Inuu Hayo Dariiqii Ferguson Iyo Is-Babar-Dhig Lagu Sameeyey

Brendan RodgersTababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa la sheegay inuu hayo dariiqii tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson, kaas oo guulo muhiim ah u soo hooyey kooxdiisa.

Brendan Rodgers iyo Ferguson ayaa lagu sameeyay is bar bar dhig labadii xili ciyaareed ee ugu horeeyey ee ay kooxahooda ku cusbaayeen, waxaana soo baxay in Rodgers uu wax yar kor u dhaafayo inkasta oo ay sifiican isugu dhawyihiin.

Xili ciyaareedkii koowaad ee Ferguson uu macallinka ka noqday Man United waxay ku dhamaysatay booska 11 ee kala saraynta horyaalka Ingiriiska halka xili ciyaareedkiisii ku xigay ay ku dhamaysatay Man United booska 2aad.

Sidaas oo kale, tababare Brendan Rodgers xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool wuxuu ku dhamaystay booska 7aad, xilii-ciyaareedkiisii labaad oo ilaa hadda socdana kooxdiisa ayaa hogaanka u haysa horyaalka ingiriiska.

Isbar bardhigaan waxaa la sameeyay ka hor kulankii Tottenham iyo Liverpool, kaas oo ay ku dhamaaday 4-0 oo ay guushu ku raacday Liverpool.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Busquets Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Saxaafada, Dafirayna Fal Uu Si Cad U Sameeyey, Xaqiraadna Ula Badheedhay Kooxda Real Madrid

‘Haddii Barca Guulaysato sababtu waa Garsoorka, Haddii aanu guuldaraysanona sheeko way xidhan tahay’ – Alves Oo Raadinaya Sabab !

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com