Tababare Diridhaba Oo Ku Taliyey In Xaalada Ciyaareed Ee Dalka Wax Laga Beddelo

Tababaraha Xulka Kubada Cagta Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba), ahna Tababaraha Kooxda Kubada Cagta Dawladda hoose Hargeysa, ayaa ka hadlay xaalada ciyaareed ee dalku, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in xaalada ciyaaraha iyo qaabka ay hadda yihiin in wax laga bedelo, waxaanu soo jeediyey in marka Xukuumadda dambe dhalato, ee Doorashadu dhacdo, in ciyaaraha la joogteeyo, oo Horyaalo la qabto, Guddidii Olomikada Qarankana dib loo soo celiyo.

Tababaraha Xulka Kubada Cagta Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba), oo u waramaya Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Olole ayaa hadda lagu jiraa, Doorasho ayaa dhacaysa, gaar ahaan Doorashadii Madaxtooyada, oo Madaxweyne ayaa la dooran doonaa, Xukuumad cusubna wey dhalan doontaa, sidaas oo ay tahay anigu waxaan soo jeedin lahaa in marka ay Xukuumadda cusubi dhalato, waa in qaabka ay hadda ciyaaraheenu yihiin wax laga bedelo, oo horyaalo joogta ah iyo tartamo lagu xisaabtamo hala  qabto, Guddidii Olomikada Qarankuna la’aantood xidhiidhadu ma socdaan ee iyana dib ha loo soo celiyo, oo Xukuumadda dhalan doontaa ee la dooran doona, xil dheeraad ah ha iska saarto ciyaaraha, oo ha ku dadaasho sidii Xidhiidhada loogu sameeyn lahaa dhaqaale ay Horyaalada iyo Tartamada ku qaban lahaayeen”.

Tababare Diridhaba mar uu ka hadlaayey faa’iidada ay ciyaaruhu leeyihiin ayaa yidhi “Waxa xaqiiqo ah haddii si joogto ah loo qabto tartamo iyo ciyaaro lagu xisaabtamo, in dhaqaale laga heli lahaa, oo dad badan oo ku mashquulsan balwadaha inay iska dayn lahaayeen, markaas Ciyaaraha xil dheeraad ah la iska saaro”.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Houston Astros vs LA Dodgers: Astos Oo Qarka U Saaran Inay Ku Guuleysato Koobka World Series

Gool-dhalinta Horyaalka Premier League Iyo Halka Lakala Marayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com