Tababaraha xulka kubadda cagta gobolka Maroodi-Jeex iyo kooxda heerka koowaad ee D.H.H Mr. Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba) ayaa xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ku amaanay soona dhaweeyay nidaamka iyo shuruucda ay wadaan inay dhaqan geliyaan.
Tababare Diridhaba oo la soo xidhiidhay ciyaaraha ee Cadalool.com ayaa sheegay inay muhiim tahay ciyaartoyda iyo tababareyaashu ay heshiis ku joogaan kooxahooda oo marwalba la raaco nidaamka kubadda cagta ee caalamka, talaabadaasna waxa uu ku boggaadiyey xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo taas ku amray kooxuhu inay heshiisyo la galaan.
Ugu horeyn, tababare Dhiridhaba ayaa yidhi “Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo muddo kooban oo bilo ah joogay waxaan ku boggaadinayaa inay kooxaha ku amraan inay heshiisyo la galaan ciyaartoydooda iyo macalimiintooda, waana sharci loo baahnaa, xaqiiqdiina waa muhiim waa muhiim in la helo sharci la kala haga kooxaha ciyaar yahanada iyo tababarayaasha”.
Ugu dambeyntii, tababarahan khabiirka ah ayaa xidhiidhka kubadda cagta u soo jeediyay inay qabtaan tartamo kala duwan oo joogto ah, ayna muhiimada koowaad saaraan in horyaalka kooxaha heerka koowaad la qabto “Anoo ku kalsoon aqoonta iyo kartidda masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta, haddana waxaan u soo jeedinayaa inay qabtaan tartamo la garanayo wakhtiga ay dhacayaan oo lagu sii xisaabtamo, waxaana weliba si gaar ah u xusayaa in la qabto horyaalka kooxaha heerka koowaad” ayuu ku soo koobay.