Tababare God madow ku riday rejadii Tababarnimo Ee Barcelona

Tababaraha kooxda Celta Vigo Luis Enrique ayaa sheegay in uu iska indhatirayo soo jeedinta ah in uu bedelo tababaraha kooxda Barcelona Gerardo Martino.

Laacibkii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray Barca islamarkaana macalin u soo noqday kooxda labaad ee Barcelona ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad in ay bedelaan tababaraha reer Argentine oo la filayo in uu kooxda ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

43 jirkan ayaa saxeexay laba sanno oo heshiis ah markii uu yimid Celta xagaagii la soo dhaafay laakiin waxa uu goor hore sheegay in ay macquul tahay in uu ka tago kooxda Galician “Ma garanayo sababta qof kasta uu hada iila xidhiidhinayo in aan qabto hogaanka kooxda Barcelona”.