11:28 am - Friday June 23, 2017

Tababare Jose Mourinho Oo Iftiimiyey qofkii ka hor jeegsaday inuu layliyo Xulka England

Khadar Dirir

 

Macallinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa farta ku fiiqay qofkii ka hor joogsaday inuu macallin u noqdo xulka qaranka dalka England, isagoo shaaca ka qaaday in kaliya xaaskiisa ay ahayd qofkii soo fara geliyay go’aankii uu kaga joogsay inuu qabto shaqada macallinimo ee xulka qaranka dalka England sannadkii 2007-dii.

Jose ayaa markii ugu horeysay uu ka tagay garoonka Stamford Bridge bartamihii sannadkii 2007-dii, wuxuu macallin reer Portuguese loo soo bandhigay inuu bedel u noqdo macallin Steve McClaren ka soo ku fashilmay inuu xulka Three Lions u soo saaro tartankii Euro 2008.

Jose ayaa sheegay inuu ku dhawaaday qabashada xilka tababarenimo ee xulka England taasoo markii dambe gacanta loo geliyay Fabio Capello, isagoo sheegay in hadalkii xaaskiisa Matilde ay ku tidhi kaa soo ahaa in aanu ahayn shaqsi ku haboon inuu leyliyo xulka qaran ay ka hor joogsatay isagu inuu qabto shaqadaas “Waqtigaas ma qaban karin koox England ka dhisan maxaa yeelay? heshiiskii Chelsea aan la galay ayaa sidaas ahaa markii aan ka tagaayay kooxdaas. Ma qaban qarin kooxda ka ciyaarta England labadii sanno ee xigtay kadib markii aan ka soo tagay Blues. Waxaan qaban qaadhay xulka laakiin koox maya.” Ayuu Mourinho u sheegay The Guardian. Waxaanu hadalkiisii sii raaciyey “Xaaskeyga ayaa igu tidhi ha qaban shaqadaas wayna ku saxnayd. Waxaan ka wadahadalnay arintan toddobo sanno ka hor mana sugi karo tartan weyn oo labadii sanna-ba mar la qabanaayo, maxaan qabanayaa inta lagu guda jiro toddoobadyadda? laba sanno kuma qarash gareyn karo la ciyaarida Kazakhstan Iyo San Marino! Si kastaba, markaas waxii ka dambeeyay Jose Mourinho ayaa la wareegay shaqadii tababarenimo ee kooxda Inter Milan, isagoo intii uu kooxdaas la joogay kula guuleystay koobab badan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Pirlo oo ka digay khatarta xulka England

Suxuf caan ah oo ka shifay Xiddigihii ka dambeeyay in Samir Nasri laga reebo Xulka Faransiiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: