3:07 am - Sunday June 25, 2017

Tababare Laurent Blanc Oo Man. City ka bedeli doona Manuel Pellegrini

Khadar Dirir

Tababaraha kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain Laurent Robert Blanc ayaa la soo warinayaa inuu bedeli doono macallinka Manchester City ee Manuel Pellegrini.

Majaladda Le Parisien ee laga leeyahay France ayaa ku waramaysa in ciyaaryahankii hore ee PSG imika horkaca naadigaasi Laurent Blanc uu fursad u haysto inuu bedelo macallinka Manchester City Manuel Pellegrini haddii ay kooxdu ku guuldarreysato inay qaado Premier League xagaagan.

Kooxda Manchester City ayaa lix dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool, waxaana City ay gacanta ku haysataa hal kulan oo baaqi u ah, iyadoo ka war sugeysa waxa ka soo baxa kulanka Chelsea iyo Livarpool ee caawa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Kulanka maanta : Liverpool vs Chelsea

Madaxweyne Barack Obama siday isku Yihiin Kubadda cagta?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: