5:39 pm - Thursday July 27, 2017

Tababare Mourinho Oo  saddex xiddig midkood  uu dhoola-cadaynaya 

Khadar Dirir

Macallinka kooxda Cheslea Jose Mourinho ayaa u dhaqaaqi doona midkood Loic Remy, Wilfried Bony ama inuu dib usoo ceshto Romelu Lukaku si uu saddexdan weeraryahan midkood ugu xoogijo Diego Costa oo xagaaga soo socda lagu wado inuu yimaado Stamford Bridge, sida ay daabacday Daily Star. Costa ayay u muuqataa in heshiiskiisa lagu soo gabagabeen doono £35 million, xilli Samuel Eto’o uu soo idlaaday waqtigiisii Stamford Bridge, halka sidoo kalena shaki la gelinayo mustaqbalka Fernando Torres iyo Demba, walow laga yaabo inay sii jogaan kooxdan balse waxay u badan tahay inaysan xagaaga soo socda boos joog ah ka heli doonin kooxdan Mourinho ayaa doonaaya in midkood saddexdan weeraryahan Bony, Remy ama Lukaku ee ka ciyaarta horyaalka Premier League ku qanciyo inay kusoo biirayn kooxda oo sannadkii hore ka huleeshay fagaaraha lagu hirdamo iyadoo fara maran oo aan ku guuleysan wax koob ah.

Remy ayay Chelsea kaga heli kartaa kooxda iska leh mulkiyadiisa ee QPR qiimo dhan £8 million, halka Bony oo bandhig ka wanaagsan ku soo bandhigay Premeir League xilli ciyaareedkii tagay kooxdiisa Swansea laga heli karo qiimo aad u sareeya oo gaadhaya ku dhawaad ilaa iyo £25 million.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Yaabka yaabkii : Kooxda Manchester City oo dooneysa Frank Lampard 

Kooxda Everton Oo si Mustafaysan lacag  ku abaalmarinaysa xiddigeeda Barkley

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: