11:42 pm - Thursday July 27, 2017

Tababare Qiimeyey Qaab-ciyareedka Labada Xiddig Ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi

Abdiwahab Ahmed

Tababarihii hore kooxda Real Betis, Pepe Mel ayaa ku biirey dooda u dhaxaysa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo islamarkana aminsan yahay in jaa’iisada Ballon d’Or aanay aas’aaskeedu ku salaysnayn laacibka ugu wanaagsan adduunka. Cristiano Ronaldo ayaa markii afraad ku guulaystay jaa’iisadda Ballon d’Or ka dib markii naadigisa Real Madrid xili-ciyareedkii ina dhaafay guulo waawayn ku gaadhay. Wax kalo uu wereeryahankani uu hoorseeday xulkiisa qaranka Bortiqiiska (Portugal) inay qaadaan koobka qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2016.

Tobabare Pepe Mel oo su’aal laga waydiyey xidigda uu doorbidi lahaa Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo isagoo waraysi siinaya idadcadda wararka ciyaaraha ee marca.com, ayaa waxa uu ku jawabay sidan “Cristiano Ronaldo waa wereeryahanka ugu wanaagsan ee aan arko, oo aanay cidna ku murmi karin. Waxa uu leeyahay awood aad uu fiican dhinaca hawada marka ay kubada la soo tuuro, waxa kalo awood uu u leeyahay in labada lugood uu si fiican ugu ciyaaro. Laakiin Messi ayaa ah ciyaartoyga kubadda cagta ugu wanaagsan, kaas oo dhamaan ay dadku jecel yihiin inay ku daydaan. Messi waxa kale oo uu leeyahay haybad dhamaystiran dhinac walba iyo sidoo kale akhlaaq wanaagsan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Lionel Messi Oo Guursanaya Haweenay 2 Carruur Ah Haysata

Mustafe Fadxi Oo Laga Yaabo Inuu Ka Maqnado Ciyaraha Ciyaaraha Qaramada Afrika

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: