10:14 am - Thursday June 29, 2017

Tababare Shakuur Oo Talo Ku Wajahan Abaaraha U Jeediyey Bahda Ciyaaraha

Abdiwahab Ahmed

Tababarihii hore ee Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Saaxil Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee dalka ka taagan, waxaanu guud ahaan Ciyaaryahanada dalka ugu baaqay inay ka qayb qaatan oo dadka ay abaaruhu hayaan u gurmadaan, oo wixii karaankooda ah taraan.

Tababarihii hore ee Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Saaxil Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo arintan ka hadlaya yidhi “Dadkii reer Somaliland intoodii badnayd abaar aad u adag baa haysa, aad bay u tabaalaysan yihiin una dhiban yihiin, ee waxaan Ciyaaryahanada leeyahay aynu ka wada qayb qaadano, oo dadkeena tabaalaysan aynu u gurmano, ardayda dugsiyada kama liidane aynu is abaabulno, oo haddii aynu nahay bahda Ciyaaraha dadkeena tabaalaysan wixii karaankeena ah aynu la gaadhno, ajar iyo xasaanad baynu ka helaynaaye.”

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ciyaarta Liverpool Nooma Aha Booqasho Aanu Tiyaatar Ku Tagayno :- Jose Mourinho

Goormay Bilaabmaysaa Ciyaarta Muuse Biixi vs Xasan Waraabe-cadde?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: