Tababare Vicente del Bosque Oo dib u dhigay Go’aankiisa uu kaga tanaasuli lahaa Laylinta Qaranka Spain

 

Macallinka xulka qaranka dalka Spain Vicente del Bosque ayaa sheegay in aanu ku deg-degayn go’aanka mustaqbalkiisa dalka Spain kadib markii xulkan oo isagu ah dalka haysta KA2010 ku soo hadhay sannadkan heerka Group-yada.

Wadanka difaacanaayay koobkan ayaa gebi ahaanba labadii kulan ee hore ee group-ka B wuxuu kala soo kulmay waji gabax, wuxuuna macallin Del Bosque ku adkeystay in go’aanka uu qaadan doono uu noqon doono mid faa’ido u leh kooxda halkii uu ka noqon lahaa mid isaga shaqsiyan ku kooban“Weli tartanka ayaan ku jirnaa, sidaas darteed ma qabo inaan waqti xaadirkan ka hadlo wax ku saabsan mustaqbalkeega, laakiin waxaan sameeyn doona wax u wanaagsan qof walba,” ayuu 63-jirkan u sheegay weriyayaasha“Waxaan rabaa inaan ku celiyo taas, ma rabo inaan carqalad geliyo

Xidhiidhka kubadda cagta dalka Spain, Waxaana rabaa inaan isku dayo inaan si sax ah ula dhaqmo xidhiidhka, kuwasoo had iyo jeer si fiican ila dhaqmi jiray.“Haddii aan anigu carqalad ku ahay waan baxayaa. Danta xulka qaranka iyo mid xidhiidhka ayaa ka weyn danteyda markii aan samayo go’aan.”

Si kastaba, hadalka macallinkan Del Bosque ayaa imaanaya xilli guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta Spain Jorge Perez uu ku rajo weyn yahay in macallinkan uu baaqi ku sii ahaado shaqadan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xidhiidhka FA-ga Oo shaaca ka Qaaday Mustaqbalka Tababaraha Xulka England

Daniele De Rossi seegaya kulanka Koobka Adduunka Ee xulkiisu la  ciyaari doono dhiggiisa Uruguay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com