8:57 am - Monday May 29, 2017

Tababare Wenger Oo Aflagaadeeyey NEBI CIISE (Calayhi Salaam)

Abdiwahab Ahmed

Arsene Wenger ayaa sifo khaldan tusaale ugu soo qaatay NEBI CIISE (Calayhi Salaam), wakhti uu jawaabo ka bixinayey hadallo muran ah oo mar kasta dhex mara tababaraha Manchester United, Jose Mourinho.

Wenger waxa uu sheegay in cid walba oo dunida timaadda, oo uu ku jiro NEBI CIISE (Calayhi Salaam) ay khaladaad sameeyeen.

Isagoo ka hadlaya khaladaadka uu sameeyey ee uu kala siman yahay NEBI CIISE (Calayhi Salaam), waxa uu dib ugu noqday sannadkii 2014 oo ay Jose Mourinho faraha isula tageen garoonka dhexdiisa ciyaar u dhexaysay Chelsea iyo Arsenal.

“Waan sameeyey khaladaad noloshayda. I rumaysta, mid kasta oo aan sameeyeyna waan ka qoomamoodaa.” sidaas ayuu yidhi isagoo dib u milicsanaya khaladaadkii uu sameeyey iyo sida uu uga xun yahay.

Wenger oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay in uu qof waliba jecel yahay in wakhtiga noloshiisa aanu wax khalad ah samaynin, laakiin nasiib darro aanay taasi dhicin, waxaanu yidhi: “Waan jeclaan lahaa in noloshayda aanan wax khalad ah samayn. Laakiin nasiib darro ma karayo, xattaa ma hubo in sidaas oo kale uu  NEBI CIISE (Calayhi Salaam) uga xumaa dembigii uu galay.”

Wenger ayaa wax laf dhuun gashay ku noqday Jose Mourinho oo kulamada ay isaga hor yimaadaan ka badiya, una raaciya aflagaado iyo xasarad.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ma Dhabbaa In Macallinka Chelsea Uu Yahay Baadari Fidiya Diinta Masiixiga?

Crisiano Oo Dhaafay Alfredo Di Stefano Gool Dhalinta Derby Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com