1:27 pm - Wednesday June 28, 2017

Tababare Wenger Oo caddeeyey Inuu Wilshere Diyaar u Yahay inuu Qarankiisa u matelo Koobka Adduunka

Khadar Dirir

 

Macalinka kooxda Arsenal,Arsene Wenger ayaa kalsooni buuxda ku qaba in Jack Wilshere uu diyaar u noqon karo in uu xulka England u matalo ololaha koobka aduunka.

22 jirkan ayaan u ciyaarin kooxdiisa 6-dii Toddobaad ee la soo dhaafay kadib markii uu ku dhawacmay kulankii saaxibtinimo ee England iyo Denmark, laakiin hada dib ayuu ugu soo laabtay tababarka “Jack wuxuu bilaabay in uu ordo toddobaadkii la soo dhaafay,waxaan u maleynaya in uu ciyaari doono laba toddobaad ama saddex toddobaad kadib , waa uu soo laabanaya inta aanu xagaagu dhamaan.” Ayuu Wenger u sheegay The Mirror “Waxaan la hadlay Roy Hodgson waxaana u sheegay in England ay heli karto Wilsher, waxaan u maleynaya in uu aadi doono Brazil “. Wilshere ayaa 23 kulan u saftay kooxdiisa xagaagan kulamada horyaalka waxaana uu u dhaliyay saddex gool.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Didier Drogba Oo looga gacan haadinayo Talyaaniga!

Pep Guardiola Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Noqonayo Bedelka Moyes ee Man United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: