Tababarihii Barca – Luis Enrique oo Dakhtarka Loola Carraray

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona, Luis Enrique ayaa qaliin degdeg ah lagu sameeyey kadib markii uu ku soo booday xannunka qabsin bararka maanta, kaas oo sababay in lagula cararo cusbitaalka.

“Qaliinkii waa lagu guulaystay waxaanu ka soo baxayaa cusbitaalka maalmo gudohood,” ayaa lagu yidhi warmurtiyeed ay soo saartay Barcelona.

Qabsin  bararka ayaa ah xanuun halis ah oo aadanuhu u dhinto hadaan laga gaadhin kaas oo haleela xubinta mindhicirada caloosha ah ee Qabsinka loo yaqaano ah, Inta badana waxaa lagu badbaadiyaa qaliin lagu saaro xubintaas oo dhan.

Enrique ayaa shaqada tababarka ee naadiga Barcelona kala wareegay bishii May 9-keedii, macalinkii hore Gerardo Martino kadib koob la’aantii ugu horeysay ee kooxda reer Catalonia soo marta lixdii sanno ee ugu dambeysay.

Tababare Enrique laftigiisa ayaa ahaa halyey 109 gool u soo dhaliyey 300 oo ciyaarood oo uu u saftay Barca oo uu mudo sideed sanno ahayd u soo ciyaarayay kadib markii uu kaga soo biiray kooxda xafiiltanka weyni ka dhexeeyo ee Real Madrid sanadii 1996-kii, sidoo kalena saddex guulood oo waaweyn gaadh siiyey xulka Seria B-da Barcelona oo uu mudooyinkii u dambeeyey laylin jiray.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Seedorf Oo La Caydhiyey Iyo Inzaghi Oo Loo Dhiibay Ac Milan

Koox ka tirsan Horyaalka Ingiriiska Oo is indho la’aan ah u doonaysa difaaca Real Madrid Ee Pepe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com