Tababarihii Xulka Japan Oo La Eryey

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Japan oo magacooda loo soo gaabiyo (JFA) ayaa ku dhawaaqay in tababarihii xulka qaranka wadankaasi ee, Javier Aguirre, ay shaqadii ka eryeen.

“Aad baanu uga xunahay in xaal sidan ku dhamaado, laakiin waa inaanu ta xulka horeysiinaa”, ayuu Madaxweynaha xidhiidhka Japan yidhi.

Go’aanka qalafsan ee uu shaqadiisii ku waayay tababarihii Japan ayaa la sheegay inay salka ku hayso laba arimood. Ta koobaad, Xulka qaranka oo tartankii qaramada qaarada Aasiya ee dhawaan dhamaaday ku hadhay Quarter Finalka kadib markii United Arab Emirates guuldaro u xambaariyey kulankii ugu dambeeyey.

Iyo Arinka labaad oo ah, tababare Aguirre oo kamid noqday 42 ka qof ee loo haysto inay ku lug lahaayeen musuq maasuq ciyaareed iyo natiijo fararayn kulan ay wada ciyaarayeen kooxaha Levante iyo Zaragoza bishii June 21 keedii 2011, Tababarahan hore ee xulka Japana maxkamad Vallencia ku taala hor taggi doono 25 ka bishan aynu ku jirno ee February.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Maxaa Looga Baahan Yahay BBC? Jese iyo James oo kooxda Ancelotti u xaqiijiyey 4 dhibcood oo nadiif ah…

“Waxaanu Alves u raadinaynaa koox kale”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com