Tababarihii Xulka Qaranka Argentina Oo Is Casilay

Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka argentina ee Argentine Football Association ayaa si rasmi ah u shaaciyay in tababarihii xulkaas ee Jorge Sampoali uu isaga tagay xulka kaddib markii ay labada dhinac isku afgarteen inay laba wado kala maraan.

Tababare Jorge Sampoali ayaa ku fashilmay inuu koobab usoo hooyo xulka Argentina kaddib markii ay si rafaad badan uga soo baxeen wareegii isreeb reebka ee koobka aduunka iyagoo ugu dambayna si dirqi ah kaga soo baxay Group-kii ay kaga jireen tartankaas oo la wadaagayeen xulalka kala ah Croatia, Nigeria & Iceland intaa kaddib Albiceleste waxay ugu dambayn ku hadheen gacmaha xulka ku guulaystay koobka aduunka ee France.

Haddaba ururka kubadda cagta Argentina ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan AFA ayaa si rasmi ah ugu shaaciyay bartooda Twitter-ka bixitaanka tabaabare Sampoali waxaana qoraalka lagu xaqiijiyay bixitaanka tababarahu u dhignaa sida tan “Ururka kubadda cagta ee Argentina iyo Jorge Sampoali waxay wada gaadheen heshiis labada dhinac ah si uu usoo gabagabeeyo wakhtigii uu xilka ka hayay kooxda kubadda cagta qaranka Argentina”

Waxa xusid mudan in xulka Argentina uu sanadihii ugu dambeeyay caan ku noqday caydhinta tababarayasha iyaga oo hore shaqada uga caydhiyay tababare Tata Martino kaddib markii uu ku fashilmay laba Copa America oo xidhiidh ah intaa kaddib waxa shaqada xulka qabtay Edgardo Bauza kaas oo isna waaray kaliya siddeed kulan kaddib waxa tababara xulka loo magacaabay tababaraha haatan la fasaxay ee Jorge Sampoali.

Dhinaca kale shabakada daily ‘Olé ayaa sheegtay in tababare Sampoali uu dalbaday lacag 4 Milyan ah haddiba uu ka tagayo shaqada xulkaas balse uu ugu dambayn ogolaaday inuu qaato 2 Milyan.