2:52 pm - Saturday May 27, 2017

Tabobaraha Kooxda Barcelona Luis Enrique Oo Ka Hadlay Kulanka Caawa Ee Atletico Madrid, Fariina Udiray Taageerayaasha Barca.

Muxumed

 

Luis Enrique Oo Ugu Baaqay Jamaahiirta Barcelona Inay Camp Nou Soo Buuxiyaan Habeen Danbe Xilli Uu Amaanay Busquets Iyo Antoine Griezmann.

Tababaraha kooxda Barcelona  Luis Enrique ayaa ugu baaqay taageerayaasha Barcelona inay soo buuxiyaan garoonka Camp Nou, kulanka ay caawa wajihi doonaan Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa dhawaanahan  soo xoogaysatay iyadoo kamid noqotay kooxaha ugu awooda badan wdanka Spain.

Hadaba kulanka caawa ee Barcelona iyo Atletico ayaa ka qabsoomi doona garoonka Camp Nou, iyadoo macalinka Barca Luis Enrique uu taageerayaasha ka codsaday inay soo buuxiyaan gegida Camp Nou.

“Waxaan  u baahan ahay  inaan arko Camp Nou oo buuxa sababtoo ah waxaan wajaheynaa koox si toos ah inagula xafiiltameysa horyaalka, waan u baahnaan doonaa taageerayaasheena.” Ayuu yidhi tabobare Enrique.

Dhan kale tabobare Enrique oo ka hadlayey khatarta weerar yahanka kooxda Atletico Madrid ee Griezmann ayaa waxa uu yidhi  “Griezmann, Waa midka mid ah weeraryahanada ugu fiican dunida, waxaanu leeyahay khatartiisa waana mid kamid ah xidigaha dunida ugu fiicn maanta”.

Ugu dambayn tabobaraha kooxda Barcelona ayaa dhiiri-galiyey 3 laacib ee weerarka uga safta kooxdiisa ee Messi, Suarez iyo Neymar (MSN), Isagoo sheegay inay xidigahani yihiin fursada ay kooxdiisa Barcelona ku qaadi karto koobab badan.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Chelsea Oo Cad Iyo Fuud Ka Dhigtay Leicester, Kana Reebtay Tartanka League Cup

Guddoomiyaha Kooxda Wasaarada Maaliyada Oo Kawaramay Heerka Ay Kooxdu Marayso iyo Safaro Dhawaan Ugu Bixi Doonaan Gobolada Jsl.

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com