Tabobarihii West Ham – Slaven Bilic Oo La Eryey Iyo David Moyes Oo U Dhaw Bedelkiisa

Kooxda West Ham ayaa iska eriday tabobareheedii Slaven Bilic, waxaana la filayaa oo ugu dhaw inuu shaqada si ku meel gaadh ah ugala sii wareego, tabobarihii hore ee naadiyada, Everton iyo Manchester United – David Moyes.

Bilic,oo  49, jir ahaa, wuxuu kooxda ka tagayaa iyada oo ku jirta diilinta ka hadhida horyaalka Premier League ee loo yaqaano “relegation zone’.

Kulankii u dambeeyey ee uu kooxda maamulaa wuxuu ahaa, Sabtidii, kulankii ay 4-1 ka guuldarada ah ay kala kulmeen kooxda Liverpool garoonka London Stadium.

West Ham waxay sheegeen inay laga maarmaan noqotay in naadiga isbedel lagu sameeyo “si hore loogu socdo si taban loona hiigsado yoolka kooxdu doonayso “.

Moyes, ooh ore u sheegay inuu booskan xiiso u hayo, ayaa lagu soo waramayaa inuu safka hore kaga jiro tabobareyaasha naadigu damacsan yahay inuu sii hogaamiyo ilaa dhamaadka xili ciyaareedka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

West Ham Oo Eriday Tababare Bilic

Andrea Pirlo Oo Ka Fadhiistay Kubadda Cagta Guud Ahaan

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com