Talyaaniga Oo Uu Gilgilay Warka Naxdinta Leh Ee Montolivo

Xulka qaranka Italy ayay af kala qaad ku noqotay ka hadhida uu xulkooda ka hadhay ciyaaraha koobka aduunku, laacib muhiim u ah kadib markii uu lug ka jabay xidiga khadka dhexe Riccardo Montolivo oo ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee xallay xulkiisu kula ciyaaray qaranka Ireland garoonka Craven Cottage.

Kooxda tababare Cesare Prandelli, oo kulanka koowaad ee koobka aduunka ku wajahaya qaranka England June 14 keeda gegida Manaus, ayaa dhaafi kari waayay xallay Ireland ciyaartooduna ku dhamaatay 0-0.

Montolivo ayaa garoonka laga dhex qaaday 8 daqiiqo oo kaliya markii ciyaartu socotay , waxaana kulanka kadib la xaqiijiyey in dhaawaciisu uu weyn yahay oo uu lug ka jabay , sidaas darteedna aanu ka qayb galli doonin ciyaaraha koobka aduunka.

Dhakhtarka khaaska ah ee xulka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in kabtankii  Ac Milan uu jabay.

‘Montolivo wuu jaban yahay , waxaanu u baahan yahay qaliin lagu sameeyo, nooma raaci karo Brazil.’’ Ayuu yidhi Doctor Enrico Castellaci.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wiil Curyaan Ah Oo Ka Oohiyey Xulka Brazil

Natiijooyinka Kulamadii Saaxiibtinimo ee Xulalka Adduunka & Xallay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com