“Tartamadda Koobka Carabao Cup Wa Wakhti iyo Tamar Lumiin” Tobabaraha Manchester City Guardiola

Tobabaraha kooxda Manchester city, Pep Guardiola ayaa calamatul su’aal saaray tartanka koobka Carabao Cup, isagoo sheegay in tartankasi uu yahay mid wakhti iyo tamar lumen uu ah kooxdisa.

Aragtida tobabarahasi oo dadyow badan aminsan yihin aragtida isna biixiye Jose Mourinho, tobabaraha Manchester United ayaa sheegay in kooxaha qarkood ay uu haboon tahay inay ka maqnadan tartamada koobka league cup lo yaqaan. Naadiga Manchester City ayaa arbacadi ina dhaftay ka badisay naadiga West Brom 2 – 1 kulankas oo kamid ahaa tartanka koobka League Cup ayaa tobabare Pep Guardiola isago warbaahinta la hadlaya sheegay “Abaal-maarintu way wanagsan tahay haddi add ku guulaysatid oo ku biira guuloyinkaga, laakinse wa khaasare badan oo awood iyo deedaal badan la gelinayo.”

Naadiga Manchester City ayaa manta marti gelinaysa Crystal Palace ka hor kulankooda horyaalka Champions League naadiga Shakhtar Donetsk la kulmi doona salasada soo socota, inta kadib ay naadiga Chelsea sabtida todobaadka socota.

“Wad qiyaasi kartaa kulanka kooxda Tony Pulis uu waato ee West Bromwich Albion 90 daqiiqadood durufo adag kula ciyaaraya, kulanka kadib sadex ila afar sacadood bus soo raac dib usoo noqo sadex maalimood kadibna Crystal Palace la ciyaar sadex maalimood kadibna Shakhtar Donetsk sadex ama afar maalimood kadibna kulanka garoonka Stamford Bridge.” Sidana waxa ay kamid ahayeen erayada tobabare Guardiola.

Tobabare Mourinho ayaa sagaal badel sameyee haddanase soo safay 11 ciyaartoy oo adag oo ajaanibka ah iyago ka badiyee naadiga Burton 4 – 1 kulankoodi arbacadii todobaadki hore, balse kulanka kadib ayuu waraysi siyee iddacada BBC Radio 5 Live la hadlaye waxa uu yidhi “Dhanka tobabarayasha wa wakhti iyo tamar lumis ayey uu tahay, laakinse hore ayanu uu ogayn arrintan, marka mahaa muhiim inaynu ka cabano qaabka. Haddi ay noqoto inaynu ciyaarno, wanuu ciyarayna.

Haddi aniga waydisid in kubada cagta Ingiriiska ku badbadayo ama xita ka wanagsanan doono bila tartankan? Waa laga yaabaa in uu ka duwanan karo tartamada kale horyaalada Yurub. Dhanka kale, naadiga Man City ayaa markii ugu horayse saaftay xili-ciyaareedkan Yaya Toure iyo Ilkay Gundogan kulankii West Brom, waxaana laba gool dhaliyeen kulanka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wereeryahanka Chelsea Diego Costa Uga Dambayntii Laga Iibinayo Atletico Madrid

Goorma Ayaa La Eryi Doonaa Carlo Ancelotti?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com