Tartankii Kubada Cagta Kooxaha Dawladdaha Hoose Ee Dalka Siillaanyo Cup, Oo Loolanka Xisbiyada, Ololaha Iyo Doorashada Madaxtooyada Dartood U Qabsoomi Waayey

Tartankii Kubada Cagta ee kooxaha Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka waaweyn ee dalka, ee Siillaanyo Cup, laguna daah-furayey Garoonka Kubada Cagta ee Mo Faarax ee Magaalada Gabiley, oo si casriya loo dhisay, ayaa dib u dhacay.

Tartankan oo dhexmari lahaa Kooxaha Kubada Cagta Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Laascanood, Ceerigaabo, Berbera, Kooxda Duulista iyo Hawada Hargeysa iyo Kooxda Dawladda hoose Gabiley oo marti loo ahaa, ayaa loolanka Xisbiyada, ololaha fooda inagu soo haya iyo Doorashada Madaxtooyada dartood u qabsoomi waayey, iyadoo lagu waday in tartankan si rasmiya loo furo todobaadkii hore.

Dhinaca kale kharashka tartankan ku bixi lahaa oo Dawladda hoose Gabiley, bixin lahayd, gaar ahaan Maayarku ayaa duruufahan jira dartood iyo kharashaad badan oo la sheegay inay Wasaaradda Ciyaaruhu soo gudbisay dartood dib ugu dhacay, waxaana la sheegay in haddii ALLE idmo Doorashada Madaxtooyada kadib si rasmiya tartankan loo qaban doono, madaama wakhtigan oo ah wakhti xasaasiya aan la qaban karin tartamo.

Xigasho: Geeska Sport

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Casemiro, Modric, Navas Iyo Varane Oo Dib Ugu Soo Laabtay Real Madrid

“Waxaan Ciyaaryahanada Kula Talin Lahaa In Aanay Ku Milmin Siyaasada Iyo Xisbiyada” – Dhay Lo’aad

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com