team

Shabakaddaha caanka ah ee ciyaaraha ee BBC iyo Goal.com oo looga bartay in toddobaad walba ay soo saaraan kooxda ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska, iyada oo lagu saleeyo xiddigaha ban-dhiga wacan la yimaada toddobaadkaas.

Haddaba toddobaadkan oo kulamaddii la ciyaaray ay ka soo baxeen natiijooyin kooxaha qaar ay ku farxee, ayaa shaxdan kooxda toddobaadka ee ay sameeyeen BBC iyo Goal.com ayaanay ku jirin hal ciyaartoyda oo kooxda  Manchester United ka tirsan.

Akhriste haddaba hoos kaga boggo shaxda BBC-du soo saartay ee lagu soo ban-dhigay toddobaadkan iyo kooxda EPL ugu wanaagsan, waxaana shaxdan soo xulay qoraaga caanka ah Grathe Crook.

Goolhaye: Heurelho Gomes (Watford).

Daafaca: Joel Matip (Liverpool),  Scott Dann (Crystal Palace), Jan Vertonghen (Tottenham Hotspur), Seamus Coleman (Everton).

Dhexda: Jordan Henderson (Liverpool), Adam Lallana (Liverpool), Nacer Chadli (West Brom), Kevin de Bruyne (Manchester City).

Weerarka: Raheem Sterling (Man City), Islam Slimani (Leicester City).

bbc