Ilmadii Terry Iyo Kulanka Finelka Champions League Oo Taariikhda Markii ugu Horeysay Laba Naadi oo Isku Magaalo Ahi Yimaadeen

Kooxda Tababare Simeone ayaa dhulka la dhacday kooxda reer London ee Chelsea iyo tababare Mourinho kadib markii ay xallay ku khaarajisay 1-3 (1-4 agg) garoonka The Blues ee Stamford Bridge.

Weeraryahanada Costa, Adrian iyo Turan ayaa cirka ku laalay rajadii Chelsea ka qabtay inay markii saddexaad qaado horyaalka Yurub, soona dhaweeyey Rajada Atletico Madrid ee inay taariikhda markii koowaad isku daydo inay la huleesho koobka naadiyada qaarada Yurub.

Ateltico oo Terry oo ilmeeyeyKooxda Tababare Mourinho ayaa ku horyasay gooldhalinta, waxaana shabaqa Atletico kubad ku Ruxay weeraryahan Fernando Tores qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 36 aad , laakiin goolkaas ayaa noqday kii laga raacay , waxaana naadiga reer Madrid u furay Gool dhalinta isla qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 44 aad Andrian Lopez , qaybtii horena sidaas ayaa lagu kala nastay.

Markii la isu soo noqday , weeraryahan Diego Costa ayaa shabaqa dhigay goolkii labaad oo rigoodhe ahaa , khalad uu sameeyey Samuel Eto’o ayuu Costa u bedelay gool.

Fernando Tores Lopes Arda Turan Adrian Lopez  oo debaal degayaDaqiiqadii 72 aad yaa goolkii gunaanadka ee dhulka ugu tuurey rajadii Kooxda Ingiriiska ah waxaa shabaqa ku hubsaday , ciyaaryahanka gadhka leh ee reer Turkey , Arda Turan.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-3 ay guushu ku raacday Atletico Madrid oo kulankii hore ee garoonkooda la joogay barbar dhac 1-1 ah ay ku soo kala baxeen Chelsea.

Kulanka Finel-ka ah ee horyaalka Yurub oo ka dhici doona magaalada Lispon ee wadanka Portuqiiska, Bishan maanta kowda ah ee May 24 keeda , 6 cisho kadib maalinta debaal degga 18-ka May ee La soo noqoshada xoriyada Somaliland ayaa isu bedelay mid ay ku loolami doonaan laba kooxood oo Isku wadan ah , isla markaana Isku Magaalo ah , Spain hadana Madrid.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

El Shaarawy Oo Rajaynaya Inuu Safto Kulanka Derbiga Talyaaniga Ee Milan

Chelsea? Weynu Eegi Doonaa ‘ – Diego Costa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com