Terry Oo U Soo Kacay Chelsea Kana Qayb Galaya Kulanka United

Tabbobaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan John Terry isagoo bed qaba oo taam ah uu ka qayb galli doono ciyaarta Maalinta Axada ah ay is haleelayaan kooxda Manchester United.

“John Terry wuu soo bogsaday, tabbobarakana si fiican ayuu kooxda ula qaatay, dhaawacii kuraanta ka haystayna waa laga dabbiibay,” ayuu yidhi Tabobare, Conte.

“Waxay noqon doontaa ciyaar farsamo maalinta Axada ah, laakiin isaga iyo taageerayaashuba qaybta ugu weyn ayay ka qaadan doonaan, waana dheeraadkayaga.”

Dhinaca kale, tabobare, Antonio Conte wuxuu ka hadlay arinta Jose Mourinho ee ku soo noqoshada geggida Stamford Bridge.

“Anigu qadarin iyo sharaf badan ayaan u hayaa Mourinho.

“Wuxuu u qalmaa in si weyn loogu soo dhaweeyo. Wuxuu ahaa shaqsi muhiimad sare ku dhex leh Chelsea, qorayna qayb ahaan taariikhda kooxda.” Ayuu Conte yidhi.

Ciyaartan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Mourinho dib u soo booqdo garoonka Stamford Bridge tan iyo markii uu ka tagay oo ahayd bishii December 2015.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Jose Mourinho: Paul Pogba Ilbidhiqsi Laguma Bedeli Karo – Wuxuu Leeyahay Wax Kastoon U Baahnayn’

Coutinho Iyo Firmino Oo Mar Ka Wada Dhaqaajinaya Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com