Tevez: Goolkii Pirlo Oo Kale Ayaan Ka Dhaliyey Roma

Carlos Tevez ayaa xalay gool laad toos ah ka dhaliyey Roma kaas oo ay kooxdiisu hoggaanka ku qabatay, balse markii dambe barbar dhac laga daba keenay.

Tevez ayaa sheegay in goolkiisu u dhowaa kuwii Andrea Pirlo, isla markaana uu kaga daydo xiddigaas ruug caddaaga ah sida loo laado kubbadaha goolka u dhow.

“Mar walba waxa aan isku dayaa in aan ku daydo Pirlo, inkasta oo uu wali isagu yahay qofka koowaad ee kubaddahan u daala kooxdana, waa in aad si fiican u daawato” ayuu yidhi.

Tevez waxa uu intaa raaciyey in uu Pirlo yahay ciyaartoyga ugu fiican kubbadaha lagu toogto goolka ee loo yaqaano LAADKA XORTA AH (FREE KICK).

Ciyaar Xalay ka dhacay garoonka Olimpico ee Roma ayay barbar dhac 1-1 ku kala baxeen labada naadi ee Roma iyo Juventus.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Dagaal Ka Dhex Aloosan Busquets iyo Mascherano

Manchester City Oo Wada Hadallo La Bilowday Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com