Tevez:”Gool-dhalinta waxaa ka muhiimsan Horyaalka”

Waxa uu sheegay  Carlos Tevez oo weerarka uga ciyaara kooxda Juventus, inuu rumeysanyahay in horyaalka Serie A, ka muhiimsanyahay guulaha shaqsigaa, isagoo yidhi horyaalka ayaa iiga muhiimsanyahay gooldhalinta.

Juventus waxay u baahantahay inay basido kulanka soo socda si ay u qaado horyaalka, iyadoo sida muuqata talaabo qudha u jirta hanashada koobkaan.
Carleto oo la hadlay bogga rasmigaa ee Juventus, ayaa yidhi”Muhiimadeydu waa in kooxdu si wanaagsan u ciyaarto guulna gaadho, ee maahan inaan goolal dhaliyo, waxaan jecelahay inaan qaado horyaalka Italy, wax dana kama lihi goolal.
Waxa uu ka yiri dhaawiciisa, waxaan dareemay xnuun dhanka jilibka ah laakiin hada waan wanaagsanhay xaalkeyguna waa dhag.