1:31 pm - Wednesday June 28, 2017

Thiago Silva : Messi Waxa Lagu Hor Istaagi Karaa Kaliya Qori Caaradii

Aidarous

Thiago Silva kabtanka naadiga Faransiiska ah ee Paris Saint Garmain, ayaa tilmaamay inaan Messi lagu hor istaagi karin wax ka yar qori caaradii , kadib markii uu ku fashilmay inuu celiyo dhawr ciyaarood oo ay iska horyimaadeen xidigan reer Argentina.

Wakhtigii uu difaaca u hayay Ac Milan iyo kooxda uu haatan la joogo ee PSG ayay Silva ku adkaatay inuu joojiyo weerarada isdaba jooga ah ee uu soo qaado laacibkan 4 ta jeer noqday xidiga aduunka ugu fiican, gacantana laga saaray abaalmarinta Ballon D’ Or.

Mar saxaafadu wax ka weydiisayna , wuxuu qiray inay adag tahay in loo maaro hello Leonel Messi weeraradiisa, waxaanu Thiago Silva isagoo arintaas ka jawaabaya ku yidhi majalada BLOCK sidan :- ” Sideen u hor istaagi doonaa Messi.? waxa kaliya ee lagu joojin karaa waa qoriga caaradiisa.

”In kastoo uu dhaawacmay mudona u jiifay xili ciyaareedkii u dambeeyey , hadana wali waa cabsi jirta oo koobka aduunkana taala.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Bebeto Oo 20 Sanno Kadib Sameeyey Dabaal Daggii Xusuusta Reebay Ee 1994-kii

(Sawiro) Roob Dhagaxyaale Ah Oo Hakad Galliyey Ciyaartii Xulalka Belgium Iyo Tunisia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: