Thiago Silva: Mourinho Waa Bilaa ixtiraam

Difaacyahanka PSG ee Thiago Silva ayaa ku tilmaamay Macallinka Chelsea ee Jose Mourinho in uu u dhaqmay si bilaa ixtiraam ah ciyaartii Xalay ee PSG, taas oo ku dhamaatay 2-2, balse ay Chelsea hadhay.Silva vs mourinho slammed
Thaigo Silva ayaa noqday geesiga PSG markii uu u dhaliyey goolka guusha daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaar wakhti dheeri ah lagu daray oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge.
“Ciyaartani may ahayn mid aanu kaga aargoosanaynay, laakiin Chelsea namay tusin ixtiraamkii aanu ka mudnayn, khaasatan Mourinho” sidaas ayuu yidhi Thiago Silva oo u warramay RMC.Silva vs mourinho
“Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la ciyaaro PSG sababtoo ah way qurux badan tahay London waanay u dhow dahay taageereyaasha, laakiin illaa hadda ma garanayo sababtii uu ugu faraxsanaa in ay isku dhacaan (PSG iyo Chelsea), balse waxa uu sheegay in sannadkii hore ay na garaaceen.” Ayuu yidhi Thiago Silva.
PSG waxa ay sugaysaa kooxda ay isku dhici doonaan siddeed dhamaadka (Quarter-finalka), marka magaalada Nyon lagu sameeyo isku-aadka 20-ka bishann March.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zlatan Ibrahimovic: Chelsea Waa Carruur”

BBC Oo La Kala Daadin doono Kulanka Clásico

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com